Ku soo dhawow Tatakai Kyokushin ee ku taala Bro. Luqadda karateega ee Kyokushin waa luqad caalami ah. Annagu waxaanu nahay urur samafal ah markaa adigana waanu ku soo dhaweynaynaa. Dadkii meesha hore u joogay ee khibrada lahaa ayaa caawinaya dadka cusub si ay si dhakhso ah u bartaan dhaqanka iyo dhaqdhaqaaqa karateega. Aragtidayada ku aadan mustaqbalka waa in anshaxa, dareenka raali ahaanshaha, ixtiraam iyo baraarujinba loo siman yahay waxaana arrimahaas la samayndoonaa markasta oo tababarka la leeyahay.

Carruur

7-9 jir axadaha markay saacadu tahay 10.00-11.00

10-13 jir axadaha markay saacadu tahay 11.00-12.00

Finnstaskolans idrottshall, waxaad dhaafaysaa Finnstasalen iyo qolka harqaanka (syslöjden), halkaa waxaa ku yaala albaab dhinaca midigta kaa qabanaya. Albaabka korkiisa waxa ku yaala Karate, qolka farsamada iyo kubadda miiska (slöjd och pingis)

Dadka waaweyn iyo dhalinyarada

Talaadooyinka markay saacadi tahay 17.30 i Finnstaskolans idrottshall, waxaad dhaafaysaa Finnstasalen iyo qolka harqaanka (syslöjden), halkaa waxaa ku yaala albaab dhinaca midigta kaa qabanaya. Albaabka korkiisa waxa ku yaala Karate, qolka farsamada iyo kubadda miiska (slöjd och pingis)

Khamiisaha markay saacadu tahay 18.00 waxa lagu kulmayaa, Finnstaskolans idrottshall, bannaanka ayeynu tababarka ku samaynaynaa.

Qiimaha la bixinayo termiinkii

Dadka waaweyn 900 kr

Dhallinyarada 15-18 jir, ardayda jaamacada dhigata iyo dadka hawlgabayaasha ah (pensionärer)

700 kr

carruur 7-14 jir 400 kr

Kharashka xubinnimada 100 kr/sannadkii

Lacagta qoyska laga dhimayo annaga ayaad na weydiinkartaa

Waxa lala soo xiriirayaa

Facebook: Tatakai Kyokushin Bro

Instagram: Tatakai_kyokushin

Youtube: Tatakai Kyokushin step by step

info@tatakai.se